Cowke Posted October 5, 2009 Waxaa Magaalada Buuhoodle ee Xarunta gobolka Cayn Ka anbabaxay Waftibalaadhan oo hogaaminayo Gudoomiyaha gobolka Cayn Waxaana Waftigaasi Ku Sii Jeedaan magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga puntland,Ka hor intii aanay Waftiagani ka baxin magaalada Buuhoodle ayaa Warbaahinta Caalamiga ah ee allidamaale.com Waxaa la Soo Xidhiidhay Gudoomiyaha gobolka Cayn Xariir maxamuud axmed Waxaan uu sheegay inay magaalada Boosaaso ku Siijeedaan halkaasi oo ay kula kulmidoonaa madaxwaynaha puntland iyo Xukuumada dawlada puntland Qaarkamid ah. Waftigana ayaa Waxaa kamid ah Xildhibaabo kamid ah Baarlamaanka puntland iyo Waliba Saraakiisha Ciidamada Booliska oo uu kamid yahay taliyaha Qaybta Boolisa gobolka Cayn Maxamuud maxamed Culujoog iyo saraakiil kale. Gudoomiyaha gobolka Cayn Sidoo kale lama oga Waxyaabaha Dawlada puntland kala hadlayaan madaxda gobolka Cayn Balse Maamulka Gobolka Cayn ayaa intii la Soo magacaabay Wax badan ka Qabtay gobolka Cayn kadib Markii uu la Shiray Dhamaan Waxgaradka gobolka Cayn iyo laamah kala duwan ee Bulshada buuhoodle Source allidamaale Quote Share this post Link to post Share on other sites