Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Soomaaliya oo ka hadlay bajaajle lagu dhaawacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16775833600579853.jpg?resize=660%

Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali (Doodisho) ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen eedeysane dhaawac u geystay wade mooto Bajaaj xilli uu marayay agagaarka laami yaraha Soobe ee magaalada Muqdisho.

“Ciidanka booliska Soomaalyeed ayaa gacanta ku haya eedeysanaha, waxaana ku socota baaris, waxaa dhawaan la horgeyn doonaa Maxkamadda awoodda u leh si uu cadaaladda u wajaho” ayuu yiri Sadiiq Aadan.

Qoraal ka soo baxay taliska booliska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in maanta abaare 10:30 barqanimo, degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, waaxda Jeneral Daa’uud, agagaarka laami yaraha Soobe lagu dhaawacay Cabdishakuur Cabdullaahi Cabdi oo wade ka ahaa mooto Bajaaj M9C 398, wiilkaan oo 23 Jir ah ayaa la sheegay inuu deganaa degmada Warta nabadda, waxaana gargaar caafimaad u fidiyey ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa marar badan dilal u geystay bajaajleyaasha Muqdisho, taas oo sababtay in bajaajleyaashu dhowr jeer oo maanta ka mid tahay sameeyeen bannaan bax ay falalkaas uga soo horjeedaan.

PUNTLAD POST

The post Booliska Soomaaliya oo ka hadlay bajaajle lagu dhaawacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this