Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Taliyaha Ciidamada Somaliland oo si ku meel gaar ah shaqada looga joojiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Xogo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in Taliyaha Ciidamada Somaliland shaqa joojin lagu sameeyay Galabnimadii Axadda ee Todobaadkan.

Taliye Nuux Taani ayaa shaqada laga joojiyay kadib markii Ciidamada Somaliland oo ku jabay furimaha dagaalka ay soo banneeyeen Talisyadii Tukaraq iyo Gambadhe.

Ciidamada Somaliland ayaa sidoo kale maalintaas banneeyay dhammaan difaacyadii dhinaca magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa si ku meel gaar ah Taliska guud ee Ciidamada Somaliland ugu dhiibay S/Guuto Faysal Cabdi Bootaan oo hadda hoggaaminaya dagaalka.

Faysal Bootaan ayaa Muuse Biixi ka dhaadhiciyay in fashilka dagaalka uu mas’uul ka yahay Nuux Taani taas oo keentay in isaga si KMG loogu dhiibo hoggaanka dagaalka.

PUNTLAND POST

The post Xog: Taliyaha Ciidamada Somaliland oo si ku meel gaar ah shaqada looga joojiyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this