Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal Xooggan Oo Wali Ka Socda Laascaanood iyo Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay In Dagaalka Ay Kusoo Biireen Saraakiil Ka Yimid Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaalka Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa galay maalinkiisi 23aad oo xidhiidh ah, waxaana saaka mar kale dib u qarxay dagaal xooggan.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa soo sheegaya inay saaka ku waaberiisteen daryanka madaafiicda laabada dhinac ay isku adeegsanayaan.

Dhan kale xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay dagaalka ka socda laascaanood waxa ay tidhi sida tan:-

WAR-SAXAAFADEED

waxaa fadhiisimada Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Galbeed Magaalada Laascaanood soo weeraray kooxaha Nabad diidka iyo Argagixisada ah ee ku sugan Magaalada Laascaanood.

Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ka duulaya in ay is difaacaan ayaa dhirbaaxo kulul ku dhuftay kooxaha huwanta ah ayna ku soo biireen Taliyayaal Ciidan oo ka yimi Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxay diyaar u yihiin in ay shacabkooda ka difaacaan kooxaha Argagixisada ah ee gabaadka ka dhiganaya dadka shacabka,kooxahan oo isaga kala yimi meelo kala duwan.

Waxay Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland u cadaynaysaa Beesha Caalamka iyo wadamada jaarka ah in kooxahan Argagixisada ah ee dagaal kula jira Somaliland ay khadar ku yihiin nabadgelyada iyo Xasiloonida Gobolka Geeska Afrika, waxayna Dawladda Somaliland ku baaqaysaa in la iska kaashado kooxahan Argagixisada ah sidii looga sifayn lahaa Magaalada Laascaanood.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this