Sign in to follow this  
Deeq A.

OIC oo noqday ururkii ugu horreeyay ee ajiiba baaqii deg-dega ahaa Xamza + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
333038523_2109567999252341_5605215717167

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa shalay kulan la qaatay wafdi ka socda Ururka Iskaashiga Islaamka oo uu hoggaaminayey Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Arrimaha Siyaasadda, Danjire Yousef Muhammad Aldobeay.

Ra’iisul Wasaare Xamza iyo Danjire Yuusuf ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta labada dhinac, gaar ahaan kaalinta ururku ka qaadanayo u gurmadka dadka ay abaaruhu saameeyeen iyo xasillinta deegaannada dhowaan laga xoreeyay Khawaariijta.

Ra’iisul Wasaarah ayaa sidoo kale waxa uu si weyn u bogaadiyey garab istaagga ay OIC u muujinayso shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Danjire Yuusuf ayaa dhankiisa ra’iisul wasaaraha uga mahad-celiyey kulankan, wuxuuna tilmaamay sida deg-dega ah ee ay u soo ajiibeen baaqii dowladda federaalka Soomaaliya.

Baaqa dowladda oo uu shalay jeediyay Xamza ayaa waxa uu ku saabsana arrimaha bini’aadanimada iyo gurmadka deegaannada laga xoreeyey akooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo laga hirgelinayo mashaariic horumarineed oo soo kabaya nolasha dadka ay muddada dhibaateynayeen argagixisadu.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre oo shalay shir guddoomiyey kulanka isku-duwayaasha mashaariicda kala duwan, ayaa waxa uu faray in sanadkan looga fadhiyo in ay hir-galiyaan mashaariico intii hore ka badan.

Mudane Xamza iyo xukuumaddiisa ayaa muddooyinii dambe xooga saarayay xasillinta deegaannadii laga xoreeyay Al-Shabaab iyo sidii loo gaarsiin lahaa gargaar iyo weliba adeegyadii aas-aasiga ahaa, si dadkaasi loo tuso in dowladnimadoodi u soo laabatay.

332963551_902892687679684_55442302211852
333217923_577448297760587_57653963792767
333117494_1592832764562558_5654945422492
332988084_602444955082724_82162229085211
332883638_1329218254319686_1035059079186
333038523_2109567999252341_5605215717167

The post OIC oo noqday ururkii ugu horreeyay ee ajiiba baaqii deg-dega ahaa Xamza + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this