Sign in to follow this  
Deeq A.

Hanti-dhorha Qaranka oo Kulamo Kala Duwan La Qaatay Howlwadeennada Xaafiiska

Recommended Posts

Deeq A.   
Hantidhawraha Guud ee Qaranka Mudane Abuukaate Axmed Ciise Guutaale ayaa maanta kulamo gaar ah la yeeshay howlwadeennada kala duwan ee Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka oo dhawaan uu hoggaankiisa la wareegay.
Hantidhawraha Guud ayaa intii ay kulamadu socdeen waxaa uu hawlwadeennada la wadaagay aragttidiisa maamul iyo sida ay uga go’antahay dhaqangalinta siyaasadaha anshaxa iyo shaqada ee Xafiiska u deggan.
Guutaale ayaa sidoo kale hawlwadeennada kula dardaarmay inay xil gooni ah iska saaraan ilaalinta waqtiga iyo wax-soosaarka shaqo iyo qiyamka ku dhisan wada-shaqaynta iyo halabuurka, si looga mirodhaliyo yoolasha hormarinta ee ku qeexan istaraatiijiyadda Xafiiska.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this