Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisulwasaare Xamse oo Daahfuray Imtixaanka Malimiinta Ee Wasaaradda Waxbarashada

Recommended Posts

Deeq A.   
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta daah furay Imtixaanka shaqaaleysiinta 3000(Saddex kun) oo Macallin oo ay qaadaneyso Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.
Ra’iisul Wasaaraha oo kormeerey goobaha lagu qaadayo Imtixaanka oo ay kamid tahay dhismaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, ayaa guul taariikhi ah ku tilmaamay in wasaaraddu shaqaaleyso tiro intaan le’eg oo macallimiin ah.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumaddiisa Dan-Qaran ay ahmiyadda koowaad siineyso sidii canshuurta laga qaado dadka Soomaaliyeed dib loogu celin lahaa, si fursad waxbarasho loo siiyo Saddex Milyan oo carruur Soomaaliyeed, kuwaas oo gaaray da’dii waxbarasho, laakiin aan halin fursado waxbarasho iyo adeegyada dowliga ah ee dhanka tacliinta, xilli sidoo kale  ay jiraan deegaanno dowladdu dhowaan la wareegtay oo u baahan adeegyada waxbarasho iyo barbaarinta macalin.
Wasaaradda Waxbarashada oo hormuud u ahayd qabsoomidda Imtixaanka ayuu Ra’iisul Wasaaruhu uga mahadceliyey dadaalkooda, gaar ahaan dib-u-eegista hannaanka waxbarashada dalka. Imtixaanka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare oo ka kala dhacaya 22 goobood oo ku yaal 11 magaalo oo dalka ah ayaa waxaa u fariistay 8 kun macallin, laakiin waxaana darajada Imtixaankooda kusoo bixi doona 3000 oo macalimiin oo inta wasaaraddu ay qorsheysay.
Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee degan goobihii waxbarashada dalka guud ahaan in ay banneeyaan, si loogu adeeggo ubadka Soomaaliyeed. Wuxuuna faray Hay’adaha Amniga iyo Wasaaradda intaba  in ay iska kaashaadaan soo celinta goobahaasi, oo uu sheegay in ay ka qeyb qaadan doonaan in jiilka Soomaaliyeed ay mustaqbalka helaan tacliin dowladeed, maadama ay jiraan ubad badan oo tanta iyo duruufa u diiday aadista iskuullada.May be an image of 7 people, people standing and suit
334004319_575801717936621_10935519060436
333965736_735962234689878_72373251081698
334036261_717756029823526_18936648339463
334104222_996990704620159_74676065975928
334210562_567374438759876_32724413099571
May be an image of 7 people and indoorNo photo description available.May be an image of 4 people, people standing and suitMay be an image of 7 people, people sitting and people standingMay be an image of 6 people, people sitting, people standing and suitMay be an image of 8 people, people sitting and people standingMay be an image of 8 people, people standing and people sittingMay be an image of 4 people, people standing and suitGoobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this