Deeq A. Posted February 27, 2023 Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in ciidamo kasoo duulay maamulka Puntland ay weerar kusoo qaadeen millateriga Somaliland ee gobolka Sool. Qoraal uu Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye, uu ku baahiyay bartiisa Twitterka, ayuu ku sheegay in Somaliland lasoo weeraray.“Somaliland waxay caalamka ogaysiinaysa in ciidamo ka yimid maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya, ay soo weerareen ciidamadayada maanta, ma jirto wax kale oo aanu samayno, oo aan ahayn in aanu is difaacno, dadkayagana aanu ilaalino” ayuu yidhi Caateeye.Waxa uu sheegay in ay cambaaraynayaan weerarka “Aad ayaanu u cambaaraynaynaa talaabadan daan daansiga ah, waxaananu u taaganahay difaaca madaxbannaanidayada”. Source Share this post Link to post Share on other sites