Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: NISA oo howlgal culus ka fulisay degmada Kaaraan + Ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   
NISA.jpeg?fit=1920%2C1080&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada sida gaarka ah u tabaran ee Duufaan ayaa xalay howlgal culus ka sameeyay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Kaaraan.

Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa ciidamada waxa ay ku beegsadeen guryo ku yaalla degmadaas oo bartilmaameed ahaa, sida ay shaaciyeen saraakiisha amniga.

Wararka ayaa sheegaya in howlgalkan lagu soo qabtay dhalinyaro ka tirsan ciyaal weero, oo lagu eedeeyay inay dhibaato ka wadeen Kaaraan oo kamid ah meelaha ugu daran.

Inta uu howlgalka socday waxaa sidoo kale ciidamadu ay baaritaano ka sameeyeen waddooyinka qaar ee degmadaasi, si loo hubiyo gaadiidka iyo dadka socotada ah.

Ujeedka howlgalkan ayaa NISA waxa ay ku sheegtay inay ku dagaalameyso kooxaha ciyaal weerada oo markale kusoo laba kacleeyay xaafadaha magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa saraakiisha howlgalka sameysay ay intaasi ku dareen inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyadooda, ayna beegsan doonaan burcadda iyo ciyaal weerada.

Tallaabada ay qaaday NISA ayaa sidoo kale jawaab u ah cabashada iyo qaylo dhaanta haaatan kasoo yeereyso shacabka ku dhaqan degmooyinka gobolka Banaadir.

Howlgalladan ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ah Booliska Soomaaliya oo Muqdisho ka wada howlgallo culus, kuwaas oo lagu soo qabtay burcaddii ugu badneyd iyo ciyaal weero.

Si kastaba, xaaladda ka taagan Muqdisho ayaa ah mid adag oo saameyn ku yeelatay dhaq-dhaqaaqa dadweynaha, waxaana arrintan kusoo biiray Al-Shabaab oo haatan caasimada ka billowday weeraro ay ku beegsananeyso ciyaal weerada & raga ka ganacsada maandooriya.

The post Daawo: NISA oo howlgal culus ka fulisay degmada Kaaraan + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this