Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal xooggan oo saaka ka socda duleedka Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaal xooggan oo u dhexeeya Ciidamada Somaliland iyo xoogaga Daraawiishta SSC ayaa saaka ka bilowday halka loo yaqaan MARAAGA ee duleedka Laascaanood.

Ciidamada Somaliland oo shalay laga qabsaday Tukaraq iyo Gambadhe ayaa sida wararku xaqiijinayaan saaka weerar ku soo qaaday Ciidamada SSC ee ku sugan Taliska Maraaga.

Dhawaqa hubka culus ee labada dhinac is weydaarsanayaan ayaa laga maqlayaa nawaaxiga dagaalka sida ay sheegayaan dadka degaanka oo aan la xiriirnay.

Weli ma cadda khasaara ka dhashay dagaalka labada dhinac oo marba marka ka danbaysa sii xoogaysanaya.

The post Dagaal xooggan oo saaka ka socda duleedka Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this