General Duke Posted January 6, 2008 Dowladda Liibiya oo xaqiijisay in la sii daayay diplomaasiyiin maanta looga qafaashay Muqdisho iyadoo aan wax madax furasho ah la dhiibin. Sarkaal u hadlay wasaarada arrimaha dibada dalka Liibiya oo uu soo xiganayay wargeyska International Herald Tribune ayaa xaqiijiyay in lasii daayay labo diplomaasi oo Liibiyaan ah oo maanta duhurki lagu qafaashay magaalada Muqdisho oo haatana ay bed qabaan. Sarkaal u hadlay wasaarada arrimaha dibada dalka Liibiya oo uu soo xiganayay wargeyska International Herald Tribune ayaa xaqiijiyay in lasii daayay labo diplomaasi oo Liibiyaan ah oo maanta duhurki lagu qafaashay magaalada Muqdisho oo haatana ay bed qabaan. Sarkaalkan oo hadlayay isagoo aan magiciisa sheegin sababo la xiriira in aan loo fasixin in uu saxaafada war siiyo ayaa sheegay in aan la bixin lacag madax furasho ah ,laakin dadaalo xoog badan oo maanta mudo saacado ah socday ay sababeen in la sii daayo. Niman dabley ah oo goor dambe sheegtay in ay yihiin maxkamado Islaami ah ayaa saaka qafaashay Naji Gassouda iyo Fathi Boudiyah,waxaana sidaasi wada sheegay mid ka mida ilaalada safaarada Liibiya ee Muqdisho iyo wasaarada arrimaha dibada dalka Liibiya. Wasaarada arrimaha dibada dalka Liibiya ayaa maanta ka hor intii aan diplomaasiyiintan lasii deyn waxaa ay safiirka Soomaaliya ee Jooga Tripoli ay ka dalbatay in dowlada Soomaaliya ay muujiso ka xumaasheheeda ku aadan afduubka lagula kacay diplomaasiyiinta safaarada Liibioya ee Muqdisho,laakin waaba lasii daayay caawa maqribkii. Quote Share this post Link to post Share on other sites
A.J. Posted January 6, 2008 Are these the ones that had been kidnapped??? Face it Dukey, this stability that you speak off doesnt exist Quote Share this post Link to post Share on other sites