Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya iyo Wakiillada Beesha Caalamka oo Ka Shiray Amniga Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
Wasiirka Wasaaradda  Amniga Gudaha Xukuumadda federaalka Soomaaliya , Dr Maxamed Axmed Sheekh Cali “Doodishe” ayaa kulan wadajir ah magaalada Muqdisho kula yeeshay wakiillada qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyaga oo ka wadahadlay arrimo dhowr ah oo ku aadan amniga dalka.
Wasiirka ayaa kulankaan la qaatay Ku xigeenka ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Anita Kiki iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Mohamed El-Amine,waxaana looga hadlay Amniga guud ee dalka, gaar ahaan kan caasimadda iyo sidii loo sii wadi lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.
Wasiirka ayaa tilmamay muhiimadda amnigu u leeyahay caasimadda dalka iyo sida ay tahay in looga wada shaqeeyo“Dadka reer Muqdisho iyo guud ahaan dalka waxay mudan yihiin inay nabad iyo amni ku noolaadaan, waana waajib na saaran ka dowlad ahaan inaan xaqiijinno”ayuu yiri wasiir Doodishe, xilli uu hadlayay.
Wakiillada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa Wasaaradda Amniga ku boggaadiyay dardar gelinta howlaha hortebinta u leh Amniga dalka iyaga oo sheegay in ay dhankooda ka qeyb qaadan doonaan sidii shacabka Soomaaliyeed ay nabad ugu noolaa lahaayeen mustaqbalka soo aadan sida ay sheegeen.
Kulanka maanta waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga,Taliye xigeenka ciidanka Boliiska Soomaaliyeed,Diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale, kuwaas oo qeyb ka ahaa shirka looga hadlayay amniga Muqdisho ee dhexmaray wasiirka amniga iyo Wakiillada Beesha Caalamka.
333808432_1273767726686656_3878131691195
333551561_903325997540240_40285416943812
333306478_3350371615219234_4969815876134
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this