Sign in to follow this  
Deeq A.

Laamiga Garowe iyo Laascaanood oo dagaallada ku xirmay ayaa maanta dib u furmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Laamiga dheer ee Laascaanood iyo Garoowe oo qiyaastii dhan in ka badan 130km ayaa maanta si rasmi ah u furmay.

Laamigan oo ku xirmay dagaallada Laascaanood ka socday 20-kii cisho ee u danbaysay ayaa caqabad weyn ku ahaa gudbinta dhaawacyada loo qaado dhinaca Garoowe.

Kadib markii saaka Ciidamada Somaliland laga qabsaday Tukaraq iyo Gabadhe ayaa waxa dib u furmay Laamiga dheer ee dhanka Garoowe.

Dhaawacyada kala duwan ee Garoowe loo wado ayaa intii dagaalku socday la marin jiray jidadka rafka ah ee hawdka mara islamarkaana masaafo dheer ah.

Dagaallada Laascaanood ayaa sababay dhimashada dad badan oo rayid ah iyo dhaawaca boqollaal kale oo qaarkood culus magaalada Muqdisho loo qaaday.

PUNTLAND POST

The post Laamiga Garowe iyo Laascaanood oo dagaallada ku xirmay ayaa maanta dib u furmay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this