Sign in to follow this  
General Duke

Sharif Hotel starts a confused defence of his Puntland problem.

Recommended Posts

Sheekh Shariif oo difaac ka galey khilaafka Puntland

20 Nov 20, 2009 - 4:53:47 AM

 

Madaxweyne Shariif oo shir jaraa'íd ku qabtey magaalada Muqdisho maanta 20 Nov,2009 ayaa ka hadley mowqifka dowladda FKMG ah ee ku wajahan Somaliland islamarkana xusey xiriirka Puntland ay la leeyihiin.

 

Sheekh Shariif oo ka hadley khilaafka Puntland ayaa sheegey in nasiib daro tahay in si ka duwan loo fasiro natiijadaii kulankaan, waa sida uu hadlka u dhigaye.

 

Madaxweyne Shariif ayaa xusey in Xukuumadiisu ka go'an tahay fulinta heshiiska Galkacayo.

 

Shariif ayaa sheegey in wax walba ku saleysan yihiin Axdi Qarameedka islamarkana ku tilmaamey in arinka Federaalka aysan eheyn in dalka la kala gooyo waa sida uu hadalka u dhigeye.

 

Madaxweyne Shariif oo Puntland ku eedeeyey iney ka hadashay wixii la isku qabtey ayaa tilmaamey in Hurumarka goboladaas jecel yihiin xili madaxda Puntland sheegtey buu yiri in dowladda dhexe tahay mid diidan arinkaas.

 

Hadalka Madaxweynaha DFKMG ah ayaa yimid xili dowladda Puntland ee Somalia ka biyo diidey in dowladda Sheekh Shariif is-hortaagtey hirgalinta

qodobkii ugu muhiimsanaa heshiiska Galkacayo kaas oo ahaa in mashaariicda hurumarka laga fuliyo degaanada nabadda ah sida Puntland.

 

Dhinaca kale Sheekh Shariif oo ka hadley eedeeyn uga timid dowladda Somaliland ayaa sheegey in midnimadda Somalia xoog aysan ku raadineyn balse wadahadal lagu dhameyn doono.

 

Sh.Shariif ayaa sidoo kale difaac ka galey hadal dhowaan ay dhibsatey Ahlu Sunah Waljamaca isaga oo sheegey in weli rumeysan in kooxdaas tahay Janhad.

 

Eedeymaha uga yimid Dowladda Sheekh Shariif maamulada iskood isu maamula iyo urukaas hubeysan ee Ahlu-Sunaha ayaa timid xili Xumuumadiisu ka taliso inta u dhexeysa Garoonka diyaardaha ee Muqdisho iyo Villa Somalia iyadaoo ku tiirsan difaaca ciidamada urur goboleedka Africa ee AMISOM.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this