Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Baarlamanka Somaliland oo si adag uga hadlay dagaalka Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1677407402491.jpg?resize=720%2C71

Guddoomiyaha Baarlamanka Somaliland Cabdirisaaq Khaliif ayaa maanta markii u horraysay si adag uga hadlay dagaalka Laascaanood

Guddoomiye Cabdirisaaq oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha Laascaanood ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland uu diiday dhammaan wax kasta oo lagu xallin lahaa colaadda Laascaanood.

“Waxaan rabaa in aan halkan ka caddeeyo talaabo kasta oo nabadeed oo aanu qaadnay  in ay ka socon wayday dhinaca madaxweynaha” ayuu yiri Cabdirisaaq Khaliif.

Ciidamada Somaliland ayuu sheegay in ay xasuuq iyo danbiyo dagaal ka geysteen Laascaanood islamarkaana dhibkaas mas’uuliyaddeeda uu leeyahay madaxweyne Muuse Biixi.

” Arrinta waxa soo raacday in magaalada lagu waday duqayn aan loo aabo yeelin, oo la duqeeyay goobihii adeega oo ay mid yihiin isbitaaladii … runtiina aad ayaan uga xumahay, la duqeeyay meelkasta oo dadkan adeeg guud loogu qabanayay” ayuu sii raaciyay.

Halkaan ka daawo muuqaalka.

PUNTLAND POST

The post Guddoomiyaha Baarlamanka Somaliland oo si adag uga hadlay dagaalka Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this