Sign in to follow this  
Deeq A.

Shacabka Nigeria Oo Dooranaya Madaxweyne Cusub, Tirinta Codadka Oo Socota Iyo Wararkii U Dambeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Tirinta codadka ayaa ka socota Nigeria kaddib doorashadii madaxtinnimo ee ugu adkeyd tan iyo markii uu dhammaaday xukunkii militariga sannadkii 1999.

Dadka u soo baxay codeynta ayaa aad u badan, iyadoo da’yar badan, markoodii ugu horreysay codeynaya ay goobaha codbixinta sii tageen aroor hore.

Codbixintii shalay ayaa waxaa hadheeyay dib u dhac baahsan oo ka jiray goobaha codbixinta, iyo sidoo kale kale warar sheegaya in la xaday sanduuqyada codbixinta iyo weerarro ay geysteen rag hubeysan.

Xisbiyada qaar ayaa walaac ka muujiyay sheegashooyin la xidhiidha wax is daba marin, taasoo horseedi karta natiijo lagu murmo.

Doorashooyinkan ayaa ah kuwa dimuqraadiyadeed ee ugu waaweyn Afrika, iyadoo ilaa 87 milyan oo qof la ansixiyay inay codeeyaan.

Siyaasadaha ayaa waxaa hadheeyay laba xisbi – kan tallada haya APC iyo PDP – tan iyo markii la soo celiyay hannaanka dimuqraaddiga ee axsaabta badan 24 sanno kahor.

Balse markan, waxaa sidoo kale jira loollan adag oo ka imaanaya musharraxa xisbi saddexaad oo doonaya inuu beddelo Madaxweyne Muhammadu Buhari – waana ninka ka socda Xisbiga Shaqaalaha, Peter Obi, kaasoo taageero ka heysta da’yar badan.

Tobnaan kun oo goobaha codbixinta ah ayaa tirinaya natiijada, taasoo loo diri doono xarumaha waaweyn ee guddiga doorashada ee ku yaalla caasimadda Abuja.

Natiijada kama dambeysta ah ayaa la filayaa inay soo baxdo ilaa ugu yaraan salaasada.

Shir jaraa’id oo uu shalay qabtay, guddoomiyaha guddiga doorashada, Mahmood Yakubu, wuxuu raalligelin ka bixiyay dib u dhaca ku yimid codbixinta, balse wuxuu sheegay in cid walba oo saf ku jirtay abbaaro14:30 xilliga dalkaas (13:30 GMT) loo oggolaan doono inay dhiibtaan codkooda, xitaa haddii goobaha codbixinta loogu tallogalay in xilligaas si rasmi ah ay u xidhmaay.

Codbixiyeyaasha magaalada ugu weyn, Lagos, ayaa farxad muujiyay markii ay saraakiisha doorashada gaadheen goobta codbixinta ee ku taalla xaafadda Lekki ku dhowaad afar saacadood kaddib markii codbixinta si rasmi ah loo xidhay.

Kahor codbixinta waxaa hadheeyay yaraanta lacagta caddaanka ah oo ay sababtay isku day lagu doonayay in dib loogu qaabeeyo lacagta dalkaas, taasoo sababtay jahwareer baahsan oo ka dhacay bankiyada iyo mashiinnada lacagaha iyadoo dadku ay ku dhibaatoodeen inay helaan lacagahooda.

Lacagaha cusub ayaa la soo saaray si wax looga qabto sicir bararka, iyo sidoo kale iibsashada codadka. Maalintii doorashada xubin ka mid ah Aqalka Wakiillada ayaa la xidhay isagoo sitay ku dhowaad $500,000 (£419,000) oo kaash ah, iyo liiska dad uu doonayay inuu u qeybiyo, sida ay booliisku sheegeen.

Cid walboo guuleysata ayaa waxaa horyaalla dib u qaabeynta lacagta, dhaqaale sii xumaanaya, shaqo la’aanta dhalinyarada iyo ammaan darro baahsan oo sababtay in ilaa 10,000 oo qof la dilo sannadkii hore.

Codbixiyeyaasha ayaa codkooda siinaya 109 senatarro federal ah iyo 360 xubnood oo aqalka wakiillada ah, iyadoo badhasaabyada gobolladana doorashadooda la qaban doono bisha March.

Doorashada waxaa aad u daneynaya da’yarta – iyadoo saddex meelood meel dadka codeynaya ay da’doodu ka hooseyso 35.

Musharraxa si uu u guuleysto wuxuu u baahanyahay inuu helo codadka ugu badan iyo 25% sanduuqyada codbixinta ee saddex meelood ka labo 36-da gobol ee Nigeria.

Haddii kale, waxaa la qaban doonaa doorasho ku celis ah muddo 21 gudahood ah – waxayna markaas noqoneysaa tii ugu horreysay ee la qabto taariikhda Nigeria.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this