Sign in to follow this  
Deeq A.

Millateriga Somaliland oo ka hadlay dagaalka ka socda Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

Millateriga Somaliland ayaa sheegay in xoogaga kula dagaalamaya magaalada Laascaanood ay soo weerareen ciidanka millateriga, lakiin uu ciidanku iska difaacay.

Hogaanka Hawlgalinta Ciidanka Somaliland ahna Af-hayeenka Ciidanka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xassan (Cabdi Dheere) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in lasoo weeraray guutada 7aad ee ciidamada millateriga.

“Saaka waxay soo qaadeen weerar, weerarkaas oo ay hore u sheegeen in ay weerari doonaan qaybta 7aad ee uu taliyaha ka yahay Sareeye Guuto Mahad Cambaashe, balanta ay hore u qaadeen way rumeeyeen, weerarka ciidanka qaranku isaga oo awood u leh in uu isdifaaco wuu iska difaacay” ayuu yidhi Cabdi Dheere.

Taliyuhu waxa uu sheegay in ciidamadii weerarka soo qaaday ay ku jabeen dagaalka waa sida uu hadalka u dhigaye, waxaanu dagaalka ku tilmaamay xabad joojintii xukuumadu ku dhawaaqday oo la jabiyay, isaga oo Al Shabaab ku eedeeyay in ay dabada ka riixayso.

Waxa uu sheegay in ciidanku wali is xakamaynayo, oo uu ixtiraamayo xabad joojinta xukuumada, lakiin ilaa hada anay xoogaga kasoo horjeeda arrinta aqbalin, wuxuuna sheegay in magaalada inteeda badan uu ciidanku gacanta ku hayo.

Dagaalka oo  ilaa hada ka socda magaalada Laascaanood ayaa sabababay dhimasho iyo dhaawac aan tiradooda la xaqiijin oo soo kala gaadhay labada dhinac.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this