Deeq A. Posted February 25, 2023 Dagaalka Laascaanood ayaa maanta ka bilaamay Aag cusub oo ah dhinaca Galbeedka magaalada oo dagaalladii hore aanay ka dhicin. Khasaare ayaa jira balse weli si rasmiya looma ogo. Xukuumadda Somaliland ayaa qoraal ka soo saartay dagaalka maanta ka socda Laascaanood. Qoraal ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa lagu yidhi sidan: WAR-SAAFADEED Kooxaha Nabad diidka iyo Argagixisada is huwanaa ayaa saacad ka hor weerar ku soo qaaday Fadhiisimada Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaalada Laascaanood, iyagoo isticmaalaya hubka culus noocayadiisa kala duwan. Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland isagoo ilaalinaya xabad joojintii Xukuumaddu ku dhawaaqday, waxay ku sugan yihiin difaacna kaga jiraan fadhiisamadooda, masuuliyada weerarkan waxaa qaadaya kooxaha wejiyada badan ee ay ka mid yihiin kuwa nabad diidka ah iyo Argagixisada oo gabaadka ka dhiganaya shacabka iyo magaalada Laascaanood. Cabdilaahi Axmed Caarshe Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Source Share this post Link to post Share on other sites