Sign in to follow this  
Deeq A.

Yaa kusoo baxay kursigii loo diiday Fahad Yaasiin? + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
332573778_736229237916390_41697104142646

Muqdisho (Caaasimada Online) – Guddiga KMG ah ee doorashada kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka ayaa maanta qabtay doorashada kursiga HOP#086, kaas oo horay loogu diiday taliyihii hore ee Nabad Sugidda Fahad Yaasiin, kadib markii la laalay doorashadiisa.

Doorashada kursigan oo ay deegaan doorashadiisu aheyd Beledweyne ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho oo haatan si KMG ah loogu soo wareejiyay.

Laba musharrax oo kaliya ayaa isku diiwaan-geliyay tartanka kursigan, kadib markii ay musharrxiinta kale ka biyo diideen doorashada, kuwaas oo cabasho ka keenya hannaanka loo maamulayo.

Musharixiinta tegay hoolka doorashada ayaa kala ahaa Dr. Maxamed Sheekh Axmed Maxamed iyo Cabdirisaaq Bukhaari Axmed, sida uu shaaciyay guddiga doorashada.

“Kursiga tirsigiisu yahay GSH#086 oo doorashadiisu ka qabsoontay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku tartamayay labada murashax ee kala ah Cabdirisaaq Bukhaari Axmed iyo Dr. Maxamed Sheikh Axmed Maxamed,” ayaa lagu yiri qoraa kasoo baxay guddiga.

Inta uusan bilaaban tartanka ayaa waxaa tanaasulay Cabdirisaaq Bukhaari Axmed, waxaana kadib codeyn gacan taag ah loo qaaday musharixii kale oo soo baxay.

Dr. Maxamed Sheekh Axmed Maxamed ayaa helay 98 cod, wuxuuna sidaas ku noqday xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, isaga ooo ku soo baxay kursigii Fahad Yaasiin.

“Wadarta Ergada soo xaadirtay kooramka ayaa ahayd 98. Codaynta Doorashada markii la gudogalay ayaa waxaa tanaasulay Cabdirisaaq Bukhaari Axmed, sidaasna waxaa gacantaag loogu codeeyay Maxamed Sheikh Axmed Maxamed. 98 ayaa tiri HAA, mana jirin wax diiday ama ka aamusay. Sidaas ayuu Dr. Maxamed Sheikh Axmed Maxamed ku helay 98 cod oo kamid ah tirada ergada ee kooramka fadhiday, kuna noqday Guulaystaha Kursiga tirsigiisu yahay GSH#086. Waxaan Dr. Maxamed Eebbe uga baryaynaa inuu ku asturo xilka culus ee loo doortay,’ ayaa lagu yiri natiijada uu shaaciyay guddiga qabtay doorashada kursigaas.

Si kastaba, waa kursigii saddexaad ee doorashadiisa la qabanayo, waxaana ka horreeyay oo horay loo soo buuxiyay kuraastii ay banneeyeen ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre iyo Taliyaha Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Mahad Maxamed Salaad.

332912295_422670363402219_54518873602936 332900907_6466222980056083_7398925990296 332555389_586212243546400_23296300679902 332344254_874391046951641_41951348017880 332327653_1125316361471580_9089532456825332573778_736229237916390_41697104142646332573778_736229237916390_41697104142646 333321838_588867746237150_15328195504354

The post Yaa kusoo baxay kursigii loo diiday Fahad Yaasiin? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this