Sign in to follow this  
Deeq A.

Dabley hubaysan o dad rayid ah ku dishay dalka Mali

Recommended Posts

Deeq A.   

Dablay hubaysan ayaa weerar ay ka geysteen badhtamaha dalka Mali, waxay ku dileen ugu yaraan 12 qof oo rayid ah, sida laga soo xigtay laba masuul oo ka tirsan dawladda dalkaas.

Weerarkan ayaa sida la sheegayo ahaa kii ugu dambeeyey ee ay kooxaha Islaamiyiintu ay ka geystaan degaankaas.

Dalkan ku yaalla galbeedka Afrika ayaa la daala-dhacaya qalalaase gacan ka hadal wata, oo ay wadaan kooxo xidhiidh la leh ururada al-Qaacida iyo Daacish.

Kooxahan Islaamiyiinta ayaa sidoo kale hawlgallo ka geysta dalalka deriska la ah Mali, iyaga oo ku dilay kumanaan qof, halka ay barakiciyeen malaayiin qof.

PUNTLAND POST

The post Dabley hubaysan o dad rayid ah ku dishay dalka Mali appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this