Deeq A. Posted February 24, 2023 Xil-ka tegis Muddo ku siman 5-sanno oo aan hayey xilka af-hayeenka Xisbiga ballaadhan ee WADDANI waxa maanta la soo gaadhay xiligii aan jagadaa wareejin lahaa. Waxa ay ahaayeen 5-sanno oo halgan, himilo, horumar iyo hawl badnaa oo aan qof ahaan iyo xisbi ahaan ba meelo adag ka soo baxnay. Wakhti Dadaal, doodo waaweyn, daacadnimo, dareen wanaagsan iyo u hadalka danyarta oo dagaal badan ku wajahay ayuu ahaa. Mahad oo dhan Alle ayaa leh waxaans’e abaal iyo ogaal u hayaa cid walba oo shaqadaa adag igu barbar taagnayd muddadii aan mansabkaa hayey: uguna horreeyo Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga, hoggaanka xisbiga, fullinta, garabadda haweenka, dhallinyaradda, laamaha dibadda, taageerayaasha xisbiga, saxaafadda Somaliiland iyo guud ahaan shacabka sharafta badan ee Somaliland. Waxa aan hadda u gacan bixi doonaa shaqooyinka balladhan ee baarlamaanka yaala iyo arrimaha samafalka bulshadda Somaliland Insha Allah. waxa aan rejo fiican ka qaba in hoggaanka sarre ee Xisbigu iga aqbali-doonaan xil ka tegistayda qof hannan kara jagadaasna u magacaabi doonaan. Allaa Mahad Leh Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites