Deeq A. Posted February 24, 2023 BAAQ NABADEED …ENG.MAXAMED XAASHI CILMI February 24, 2023 Anigoo aad uga xun Colaadda iyo Dagaalka ka taagagan magaalo madaxda gobolka Sool ee Laascaanood, waxa aan ugu baaqayaa Dowladda Soomaaliland iyo Odayaasha Dhaqanka ee Sool, in si degdeg ah loo joojiyo dagaallada iyo colaaddaasi deegaanka Laascaanod, islamarkaana si dhakhsi ah ay dhinacyadu u billaabaan wadahadal NABADEED. Maxamed Xaashi Cilmi Waa in loo tudhaa shacabka iyo maatida, lana joojiyaa dhiigga Muslimka ee qubanaya, burburka hantiyeed iyo barkaca shacabka. Waxa aan aad u xoojinaya in Dowladda Soomaaliland, Odayaasha Dhaqanka, Ganacsatada iyo dhammaan wax garadku ay xil iska saaraan una istaagaan in wadahadal iyo nabad, xal waara lagu raadiyo, In Shaa Allah. Waa In loo gurmado dadka ay waxyeeladu ka soo gaadhay dagaaladaasi. Waxaan rajaynayaa in nabadda iyo wada hadalka la xoojiyo, dagaalka iyo colaaddana si degdeg ah loo joojiyo. Waxan idin xusuusinayaa inaynu ku jirno bilihii xurmadda lahaa. Wa Bilaah Towfiiq. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites