Sign in to follow this  
Deeq A.

Shiinaha oo xabbad-joojin ugu baaqay Ruushka iyo Ukraine

Recommended Posts

Deeq A.   
ur.webp?resize=770%2C513&ssl=1

Dowladda Shiinaha ayaa ku baaqday xabbad joojin dhex marta Ukraine iyo Ruushka, si loo dejiyo xiisadda ama loo helo xaalad u gogol xaareysa in la yeesho wadahadal nabadeed.

soo jeedintaan  oo ka kooban 12 qodob oo lagu soo afjarayo colaadda,waxaa ku jira in la joojiyo cunaqabataynta reer Galbeedka ee ka dhanka ah Ruushka, in la sameeyo waddooyin bini’aadantinimo oo lagu daadgureeyo dadka rayidka ah iyo tillaabooyinka lagu hubinayo dhoofinta hadhuudhka.

“Dhammaan dhinacyadu waa inay ahaadaan kuwo caqli-gal ah oo ay is-xakameeyaan, ka fogaadaan inay dabka sii huriyaan oo ay sii xumeeyaan xiisadaha, ayna ka hortagaan dhibaatadu inay sii xumaato ama xitaa inay faraha ka baxdo,” ayay tiri soo jeedintaas.

PUNTLAND POST

The post Shiinaha oo xabbad-joojin ugu baaqay Ruushka iyo Ukraine appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this