Sign in to follow this  
Deeq A.

Shaqaalaha Midowga Yurub oo lagu mamnuucay isticmaalka Tiktok

Recommended Posts

Deeq A.   

Shaqaalaha kala duwan ee Hay’adaha midowga Yurub ayaa lagu amray in ay joojiyaan isticmaalka Shabakada Tiktok oo laga leeyahay wadanka Shiinaha, taas oo lagu sababeeyey khataro amni oo dhinaca Internet-ka ah.

Bayaan Arrintani lagaga hadlayo oo soo baxay ayaa lagu yidhi “ Tallaabooyinkan waxaa looga gol leeyahay in lagu ilaaliyo hay’adaha EU iyo shaqaalaha khataraha amniga internetka iyo tallaabo kasta oo looga faa’iidaysan karo weerarrada internetka..”

Shabakadan Tiktok oo waayadan dambe si aad isticmaalkeedu ugu faafay bulshada caalamka ayaa waxa sidoo kale hore uga digay dowladda Maraykanka walow ay ku guul-daraystay in ay dalkeedda ka mamnuucdo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this