Sign in to follow this  
Deeq A.

South Sudan oo baaq u diray Qaxootiga u dhashay dalkiisa

Recommended Posts

Deeq A.   
South-Sudan-President-Salva-Kiir-Mayardi

Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed ayaa baaq u diray in ka badan 2 milyan oo qaxooti ah oo dalkaas u dhashay inay dalka dib ugu soo laabtaan, qaxootigaas ayaa ku sugan xeryo ku yaalla dalalka deriska la ah South Sudan.

Salva Kiir ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay bilaabayso inay qaxootigaas u fududayso, ammaanka ay u baahan yihiin.

Waxaa jira in ka badan 2.3 milyan oo qaxooti ah oo dalkaas u dhashay oo ku nool xeryaha qaxooti ee kuyaalla dalalka Kenya, Uganda iyo Masar.

Madaxweyne Kiir ayaa sheegay in dib u soo celinta qaxootigani ay mudnaanta koowaad u tahay xukuumaddiisa.

Madaxweyne Kiir ayaa hadalkan sheegay xilli uu booqasho ku tegey xero ay ku sugan yihiin barakacayaal kala duwani.

PUNTLAND POST

The post South Sudan oo baaq u diray Qaxootiga u dhashay dalkiisa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this