Deeq A. Posted February 24, 2023 Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed ayaa baaq u diray in ka badan 2 milyan oo qaxooti ah oo dalkaas u dhashay inay dalka dib ugu soo laabtaan, qaxootigaas ayaa ku sugan xeryo ku yaalla dalalka deriska la ah South Sudan. Salva Kiir ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay bilaabayso inay qaxootigaas u fududayso, ammaanka ay u baahan yihiin. Waxaa jira in ka badan 2.3 milyan oo qaxooti ah oo dalkaas u dhashay oo ku nool xeryaha qaxooti ee kuyaalla dalalka Kenya, Uganda iyo Masar. Madaxweyne Kiir ayaa sheegay in dib u soo celinta qaxootigani ay mudnaanta koowaad u tahay xukuumaddiisa. Madaxweyne Kiir ayaa hadalkan sheegay xilli uu booqasho ku tegey xero ay ku sugan yihiin barakacayaal kala duwani. PUNTLAND POST The post South Sudan oo baaq u diray Qaxootiga u dhashay dalkiisa appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites