Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa kasoo baxay shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya? + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
00f95d0a-81f8-4523-a76a-831723c19cf2.jpg

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin ammaanka dalka iyo sidoo kale dagaalka Al-Shabaab.

Shirkan ayaa waxaa guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, waxaana goobjoog ahaa ku xigeenkiisa, Saalax Axmed Jaamac iyo inta badan xubnaha Golaha Wasiirada.

Ugu horreyn Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa Golaha warbixin ka siiyey howlgallada socdo iyo deegaanadii ugu dambeeyey ee laga qabsaday Al-Shabaab.

Golaha ayaa si weyn u boggaadiyey guulaha laga gaaray dagaalka lagula jiro Al-Shabaab oo jab xoogan lagu gaarsiiyay HirShabelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

“Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka aya gacantana ku dhigay hub iyo deegaanno cusub oo ay Khawaarijtu ku sugnaayeen,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay soo saareen Golaha

Xubnaha Golaha ayaa sidoo kale ka hadlay ammaanka Muqdisho, waxayna cambaareeyeen weerarkii 21 bishan ay Al-Shabaab ku qaadeen guri ku yaalla degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu beegsaday dhaawacyo ka tirsan ciidamada Macawiisleyda.

Sidoo kale Golaha Wasiirada Xukuumadda Fdeeraalka ayaa tacsi u direy ehellada dadkii ku dhintay weerarkaas, ayaga oo kuwa dhaawaca ah u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.

Dhanka kale, Guddiga Qaran ee Gurmadka Dhulgariirka Turkiga ayaa Golaha Wasiirada Soomaaliya warbixin ka siiyey howlaha gurmad ee Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay kaga qeyb-qaadanayaan Gurmadka walaalaha Turkiga ee masiibadu ay ku habsatay.

Ugu dambeyn ra’iisul Wasaare ku-xigeenka daka Mudane Saalax Axmed Jaamac oo kulanka ka hadlay ayaa Wasiirada la wadaagay barnaamijka xasilinta deegaannada la xoreeyey, isticmaalka nidaamka guud ee dowliga ah ee hay’adaha caalamiga ah, barnaamijka deyn cafinta iyo xaaladda dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran xabsiyo ku yaalla dalka Niger.

02353cd6-1186-4f11-be20-4ab87bf76098.jpg b8c63734-066d-4425-ac3f-fb443815845b.jpg b707c390-3722-41a5-86c6-0b7b1ed0092a.jpg d29eb1aa-12a4-4298-8186-e367dcf5b540.jpg e29c6399-d6dd-4bbe-9408-eea315331ecd.jpg 00f95d0a-81f8-4523-a76a-831723c19cf2.jpg 6aa99d67-8953-4f97-8072-5b1408891262.jpg 6b968229-421a-42be-99a5-863b80e7c820.jpg 97fc214c-10e5-4d3b-a988-de8af53056a9.jpg 2264a2ea-4a56-4a69-a832-4737c39e78fa.jpg

The post Maxaa kasoo baxay shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this