Sign in to follow this  
General Duke

Eyl: Nato comanders meet Puntland officials

Recommended Posts

nato_puntland-200x132.png

Masuuliyin ka Socotay Puntland iyo Saraakiisha Ciidanka Badda NATO oo ku Kulmay Xeebta EYL

April 28, 2010 | AUDIO NEWS, NEWS

 

Wefdigaan oo ka koobnaa 8-xubnood oo isugu jira maamulka gobolka Nugaal, Nabadoono, Isimo, Culimaa’udin iyo qurba joogta Reer Puntland ayaa maanta kulan kula yeeshay Markab taagna Badwaynta degmada EYL Saraakil ka tirsan Ciidamada NATO ee ka qayb qaadanaaya howlgalka la dagaalanka Burcad Badeeda Soomaalida.

 

Waxaana wefdiga sidoo kale ka mid ahaa Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali Qarjab,Taliyaha qaybta Booliska gobolka Nugaal C/raxmaan Xaaji Abshir,Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo ka mid ah Isimada Puntland, Khaliif Sheikh Aw-Cali oo ka mid ah Culimaa’udiinka Puntland,Maxamed Abshir Nuur oo ka mid ah Nabadoonada Puntland, Cumar Cabdiraxmaan Faroole, iyo C/risaaq Maxamed oo ah Agaasimaha qurba joogta Reer Puntland.

 

Dhegayso Waraysi aan kala yeelanay Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali

 

 

Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo hogaaminaayay wefdigaasi ayaa Horseed Media u sheegay in kulankaasi oo saacado soconaayay uu kulmiyay Saraakiisha ugu sareysa NATO ee jooga xeebta Soomaaliya oo u sheegay inuu hogaaminaayay Sarkaalka ugu sareeya Ciidamadaasi oo u dhashay wadanka Ingiriiska.

 

Wuxuuna sheegay in kulankaasi arimaha lagu soo hadal qaaday ay sal u ahaayeen fikirka ay Puntland ka qabto Maraaakiibta jooga xeebaha Soomaaliya,sababta keentay Burcad Badeeda iyo sida wax looga qaban karo.

 

Sidoo kale wuxuu sheegay in Saraakiishaasi ay wefdiga waydiiyeen arimo madaxda Puntland iyo dadweynaha ay ka aaminsanyihin taasi oo ah in Ciidamada NATO ay yihiin Burcad Badeeda,wuxuuna sheegay in arimahaasi ay yihin kuwo aan sal iyo raad lahayn.

 

Mar Horseed Media ay weydiisay ma isla soo hadal qaadeen Saraakiishaasi Maraakiibta sunta ku aasta xeebaha Soomaaliya iyo kuwa jariifa Kheyraadka dalka ayaa waxaa u sheegay in arimahaasi ay kala hadleen isla markaana ay u sheegeen in aysan waxba ka jirin wararka sheegaaya in xeebaha dalka Soomaaliya ay joogaan Maraakiib ku aasta sun iyo kuwa jariifa kheyraadka ku jira Baddaha Soomaaliya.

 

”Waxaa ay inoo soo bandhigeen filim muujinaaya Maraakiibta lagu haysto xeebaha dalka Soomaaliya,Kooxaha Burcad Badeeda ah ee saaran iyo filimo muujinaaya 42-bilood ugu dambeeyay ay badbaadiyeen”,ayuu yiri.

 

Cabdi Xirsi Qarjab ayaa intaasi raaciyey in Saraakiishaasi ay u sheegeen in sababta ay ugu dhiibi waayeen Burcad Badeeda Soomaalida ah ee ay u geyaan Dowladdo kale si loogu maxkamadeeyo ay ku jaan go’aan tahay Puntland iyo Soomaaliya oo aan dhowrin Xuquuqda Bin’aadamka.

 

Gudoomiyaha ayaa ugu dambeynti sheegay in Saraakiishaasi ka socotay NATO ay isku raaceen in kulamo wada shaqayn lagu balansanyahay todobaadyada soo socda.

 

Hore ayaa Saraakiisha Ciidanka Badda NATO iyo kuwa Midowga Yurub kulamo la yeesheen Masuuliyinta Dowladda Puntland oo ay ka wada hadleen arimaha Burcad Badeeda.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this