Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga KMG ah oo Shaaciyay Waqtiga Doorashada Kursiga #HOP086

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka kuraasta ka bannaan golaha shacabka Baarlamaanka  Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ayaa shaaciyay waqtiga la qabanayo doorashada kursiga tirsigiisu yahay #HOP086, kaas oo deegaan doorashadiisu tahay dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Guddiga ayaa sheegay in doorashada kursiga lagu qaban doono magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, halkii ay ka dhici laheyd magaalada Baladweyne oo horey loogu doortay, xilli uu kusoo baxay agaasimihii hore ee Hey’adda NISA Fahad, tii oo ay jirto in gudiyadii doorashada ay ka horyimaadeen.

Kursigaan ayaa waxaa doorashadiisu dhici doontaa 25-bisha oo ku beegan maalinta sabtida ah, iayadoo ay  tartamayaan dhowr musharrax, kuwaas oo ka jawaabay warqadda kasoo baxday guddiga oo ay sheegeen in ay baalmarsan tahay sharciga sida ay hadalka u dhigeen, guddiga.

No photo description available.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this