Sign in to follow this  
Deeq A.

IRAEL oo duqeyn culus ku garaacday marinka QAZA

Recommended Posts

Deeq A.   
ee7ef246-d6fb-4ab7-98c9-cd8e1fb22acb.jpg

Qaza (Caasimada Online) – Israa’iil ayaa saaka duqeymo ka geysatay marinka Qaza kadib markii gantaallo laga soo tuuray dhulka ay Falastiiniyiinta maamuulaan.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay inay soo rideen shan ka mid ah gantaallada halka kuw kalena ay ku dhaceen dhul bannaan.

Weerarradan ayaa daba socda howlgal dad badan lagu dilay oo Israa’iil ay ka fulisay dhulka la heysto ee Daanta galbeed Arbacadii.

Kow iyo toban falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Nablus — waxaana dadkaas kamid ahaa dhowr qof oo hubeysneyd.

Kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ee maamusha Gaza ayaa sheegtay in aysan innaba u dulqaadan karin weeraradan.

Qaraxyo iyo rasaas ayaa laga maqlayay magaalada Nablus Arbacadii xilli ciidamada Israa’iil ay isku dayayeen inay xoog ku galaan magaalada, waxayna dagaal la galeen koox Falastiiniyiin ahaa oo hubeysnaa.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in ay aad uga walaacsan tahay khasaaraha faraha badan ee ka dhashay weerarada.

The post IRAEL oo duqeyn culus ku garaacday marinka QAZA appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this