Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiiru-dowlihii Wasaarada Duulista Hawada Soomaaliya oo is casilay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1677128915832.jpg?resize=720%2C48

Wasiiru-dowlaha wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) ayaa is-casilay, sida uu ku sheegay bayaan uu soo gaaray goor dambe oo xalay ah.

“Mudane Ra’isul Wasaare, tan iyo markii aan la wareegay xilka wasaaradda, waxaa si joogta ah iigu imaan jiray shaqaale iyo qanderaasleyaal dacwo ka ah wasiirka wasaaradda, kuwaas oo ku eedeeyay inay ku takrifal awoodeed iyo baal-maris sharci” ayuu ku yiri warqadda is-casilaadda ee uu u diray Ra’isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, isaga oo intaas raaciyay.

“Haddaba markii aan arkay in si joogto ah shaqaale waajibaadoodka gudanaya ay u ceyrisay, si ay ugu bedesho dad aan ku habbooneyn laguna soo xushay dano gaar ah. Kaddib markii ay i soo gaartay cabashooyin joogto ah, oo shirkado iyo qanderaasleyaal bixiya adeegga garoonka Aadan Caddey, oo heysta ruqasado shaqci ah oo soo maray habraaca sharci ee dalka, kuwa wasaaradda u deggan iyo wax ka qabasha la’aanta Ra’isul Wasaaraha dhammaan eedaha kor ku xusan, waxaan go’aansay in maanta laga billaabo aan caddeynayo inaan iska casilay xilkii Wasiir-dowlaha wasaaradda Gaadiid iyo duulista Hawada” ayuu sii raaciyay.

FB_IMG_1677128934975.jpg?resize=720%2C92

PUNTLAND POST

The post Wasiiru-dowlihii Wasaarada Duulista Hawada Soomaaliya oo is casilay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this