Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Mogadisho mayor says TFG is aware of the atrocities Amisom Commits

Recommended Posts

Dowladda KM gee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ciidamada AMISOM kala hadashay sidii loo yareyn lahaa waxyeelada gaareysa dadka shacabka ah xilliyada ay jiraan Howl gallada ama dagaallada gudaha magaalada Muqdisho.

 

Wasiirka warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta C/kariin Xasan Jaamac oo wareysi siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in saraakiisha AMISOM ay wadahadal ka yeesheen jawaabaha ay bixiyaan xilliyada la soo weeraro iyo halka ay bartilmaameedsadaan si loo yareeyo khasaaraha soo gaaraya dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

 

Mudane C/kariin Xasan Jaamac ayaa sheegay in xukuumaddu ay ka xuntahay in dhibaato la gaarsiiyo dadka shacabka ah sidaa darteed ay martideeda “AMISOM” ku boorrisay in laga baaqsado waxyeelo kasta oo gaari karta Umadda, wuxuuna si gaar ah wasiirku u sheegay in ay falaqeeyeen Istiraatiijiyad sahleysa in si wadajir ah Ciidamada AMISM iyo kuwa Dowladdu ay uga hortagaan dhibaatada gaareysa shacabka xilliyada ay Howl galladu soconayaan.

 

Wasiirka warfaafinta iyo Boostada ayaa ku celiyay in xukuumadda KMg ay ka xuntahay falkii dhawaan askar ka tirsan AMISOM ay ku waxyeeleeyeen dad shacab ah, wuxuuna soo dhaweeyay jawaabtii ay AMISOM ka bixisay oo ah mid lagu qanci karo, isagoo tacsi u diray shacabka halkaasi ku waxyeeloobay.

 

Dad badan oo shacab ah ayaa ku dhinta ama ku dhaawacma xilliyada dagaalladu ka soconayaan magaalada Muqdisho, waxaana dadkaas qaar ka mid ah ay ku waxyeeloobaan Jawaabo ay bixiyaan ciidmada AMISOM marka ay maleeshiyaadku ka soo weeraraan goobo ay dad rayid ah deggan yihiin, taas ayaana dhalisay in la fekero qaab loola dagaallamo kooxahaan ayadoo la yareynayo qasaaraha Jawaabtu ay bixineyso sida ay sheegtay xukuumadda KMG ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Dalka Ugandha Yuweri Museveni oo shalay booqasho lama filaan ah ku yimid Magaalada Muqdisho, ayaa astaan u noqday heerka uu marayo tayada kooxaha Dagaalka kula jira Dowlada Soomaaliya.

 

Al-Shabaab oo is aaminsan inay yihiin koox ku dheeraaya mukhaabaraadka iyo warhelida ayaan haba yaratee wax war ah ka ahayn imaashii Museveni ee Muqdhisho, waxayna ka maqleen idaacadaha sida dadka shacabka uga maqleen.

 

Imaashaha masuulkaas ayaa daliil cad u ah cidda Xamar ka talisa, waxaana la yaab noqotay inaysan xataa hal xabad ku ridin, halka ay Muslimiinta Dagaaladu naafeeyeen ku garaacaan madaaficda goobaha iyo lidka diyaaradaha.

 

Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo iclaamiyay Ramadaankii na soo dhaafay Dagaal ay ugu magac dareen dabar-goynta Gaalada ayaa ku dhamaaday fashil, inay dabar-gooyaan iskadaayeen waxaa Magaalada Muqdisho dhexe mushaaxay Madaxweynihii kuwa ay uga yeereen Daalimiinta!

 

Ma ahan Markii ugu horaysay oo uu yimaado Caasimada Soomaaliya Masuul sare oo Afrikaan ah waxaa sidoo kale booqasho rasmi ah ku yimid raysal wasaaraha Itoobiya 2007-dii xiligaas oo uu hoyday Caasimada Soomaaliya.

 

Si kastaba ha ahaatee Boqashada Madaxweynaha Dalka Ugandha Yuweri Museveni ayaa ah mid lagu bahdilay Al-Shabaab oo ka dhigan fariin cad oo lagu tusayo inaysan xabo meesha ku hayn

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this