Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal xooggan oo saaka ka socda duleedka bari ee magaalada Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaal xooggan ayaa lagu soo warramayaa in uu saaka ka socdo duleedka Laascaanood.

Ciidamada Somaliland oo Todobaadkii saddexaad isku dayaya in ay dib u qabsadaan Laaacaanood ayaa saaka mar kale weerarka soo qaaday sida wararku sheegayaan.

Dagaalka labada dhinac ayaa weli ka socda jihooyinka dhinaca bari ee magaalada Laascaanood halkaas oo laga maqlayo deryanka hubka noocyadiisa kala duwan.

Ciidamada Somaliland ayaa saaka sidoo kale xaafadaha Laascaanood ku garaacaya duqaymo aan loo meel dayin sida ay noo sheegeen goob-joogayaal kala duwan.

PUNTLAND POST

The post Dagaal xooggan oo saaka ka socda duleedka bari ee magaalada Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this