Garaad Bari Posted January 18, 2007 Mudaaharaad aad u balaadhan oo saaka lagu Qabtay Gobolada Sool iyo Ceyn ayaa Dadweyne ka Qiireysan Hadaladii kasoo yeeray Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Somaliland Feysal Cali (Waraabe)ayaa sababtay in Goob fagaare ah lagu Gubo Calanka Jamhuuriyada iskeed isku Caleemo-saartay ee Somali-land Dadweynaha ayaa ku dhawaaqayay erayo xamaasadi ku dheehan-tahay iyo Wadaninimo,iyagoo ku qeylinayey "Doonimeyno in Soomaaliya lakala dhaantaalo" waxaanu ka xunahay Shirqoolka Hargaysa laga soo abaabulayo ee lagu kala goynayo Midnimada Shacabka Soomaaliyeed ee Walaalaha ah iyo hadalo ay ka mid yihiin "Ma maantuu hadana Feysal Cali (Waraabe)is bar-bardhigay Soomaaliya iyo Yuhuud oo aan isku Diin aheyn ayey ku dhawaaqayeen Mudaaharadayaasha. Shacabkii mudaaharadayeey ayaa u sheegay Suxufi Keynaan oo ku sugnaa Goob katrsan goobihii Mudaaharaadka ka socday, in sababta ay u gubayaan Calanka Somaliland ay oogu wacan-tahay,iyagoo ka xumaaday gubniinkii Calanka Soomaaliya ee lagu gubay Magaalooyinka Burco iyo Hargeysa. Source Quote Share this post Link to post Share on other sites