Sign in to follow this  
Deeq A.

Laba doorasho oo iska soo horjeeda oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
332573008_500071472319140_19789385659393

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ayaa maanta waxaa lagu qabtay labo doorasho oo iska soo horjeeda, taasi oo lagu kala dooranayo guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya.

Labada doorasho ayaa waxaa kala qabsaday laba garab oo ay kala hogaaminayaan Cali Shiino oo ahaa guddoomiye ku-xigeenka xiriirka kubadda cagta iyo Xasan Yabarow Wiish, ayaa mid kasta gaarkiisa loogu doortay laba munaasibadood oo ka dhacay Muqdisho.

Labada garab ayaa mid walba isu arka inuu haysto sharciyadda xiriirka kubadda cagta, taasi oo horseeday waxa maanta ka dhacay Muqdisho.

Sidoo kale waxaa la rumeysan yahay in masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ay saameyn ku leeyihiin waxa socda, ayna gadaal ka taagan yihiin.

Arrintan ayaa sida muuqata sii murjineysa xaaladda xiriirka kubadda cagta oo markii hore-ba la daala dhacayay khilaaf ka dhashay guddoomiyihii hore ee xiriirka oo si deg deg ah xilka looga qaaday.

Dhinacyada isku haya xiriirka kubada cagta Soomaaliya ayaa hore loo soo gaarsiiyay digniin uga timid xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA, waxaana xilligaan sareeya walaaca laga qabo in FIFA ay Soomaaliya ka mamnuucdo ciyaaraha caalamiga ah.

Soomaaliya ayaa markii u horeysay dhawaan ku guuleysatay tartanka 17-jirada ee Bariga Afrika, kaasi oo ahaa kii ugu horeeyay ee taariikhda kubada cagta dalka.

The post Laba doorasho oo iska soo horjeeda oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this