Deeq A. Posted February 22, 2023 Iyada oo bilihii ugu dambeeyay Qaxoonti badan ku qulqulayeen dalka Mareykanka oo ay ku jiraan Soomaali, ayaa dowladda Mareykanka soo jeedisay hab cusub oo lagu xakameynayo dadkaas. Aqalka cad ayaa soo jeediyay qorshe ah in dadka loo sameeyo bar Online ah oo ay ka codsadaan magangalyadooda iyaga oo ku sugan dalalka deriska la ah Mareykanka ee ay soo gaadheen. Waxaa lagu sheegay in Waddamada ay muhaajiriinta ka soo gudbaan dalalkooda laga sameynayo goobo lagu qaabilo dadka doonaya in ay galaan Mareykanka. Qofku waxaa uu helayaa qaabilaad 30 maalmood gudahood, haddii lagu qanco sheegashadiisa waxaa loo fasaxayaa Mareykanka haddiise lagu qanci waayo waxaa loo diidayaa in uu galo Mareykanka. Tallaabadan ayey qaadday Dowladda Biden kaddib markii ay walaac ka muujisay go’aanno arrinkan la xidhiidha oo ay geyn lahayd Kongareeska oo uu Jamhuuriga heysto aqlabiyaddiisa. Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in dadka ugu badan ay dalkeeda ka galaan xudduudda koofureed ee Mecxico, iyaga oo dadka ugu badan ay yihiin kuwa u dhashay dalalka Ukraine, Venezuela, Cuba, Nicaragua iyo Haiti. Source Share this post Link to post Share on other sites