Suldaanka Posted March 8, 2009 Madaxwaynaha Somaliland, Daahir Rayaale Kaahi, oo waraysi siiyay BBC-da, ayaa ka waramay socdaal uu ku yimid magaaladan London ee caasimadda dalkan Britain. Halkan ka dhagayso Waxaa uu sheegay in uu la kulmay xoghayaha arrimaha dibedda Britain, David Miliband markii ugu horaysay, ayna ka wadahadleen 'waxa Britain ay la qabanayso Somaliland' isla markaana ay 'isfaham fiican' isla gaareen. David Miliband, xoghayaha arrimaha dibedda Britain, ayaa noqonaya sarkaalkii ugu sareeyay ee dowladda Britain ee London kula kulma mas'uuliyiinta Somaliland. Daahir Rayaale Kaahin, wuxuu sheegay in socdaalkiisa uu salka ku hayo fulinta danaha soomaaliland. Isagoo ka hadlayay sida uu u arko dowladda cusub ee Soomaaliya waxaa uu yiri, ' waan jeclaan lahaa in Caqli kii hore ka fiican ay la yimaadaan, oo laba walaalo oo jaar ah aan noqonno' Wuxuu ka hadlay oo kale xiriirka Somaliland iyo Djibouti, oo ku tilmaamay mid aad u fiican, marka kastana uu u arko in la wanaajiyo, oo uu noqdo mid daa'ima. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted March 8, 2009 Was listening this early in the morning today. The President was very much forward. Quote Share this post Link to post Share on other sites
N.O.R.F Posted March 9, 2009 I think he clarified a few things. Quote Share this post Link to post Share on other sites
AYOUB Posted March 9, 2009 ^^Indeed he has, but like Qaasim (AUN) said: Dad musbaar dhegaha kaga jiraan, maqal ka tuugaaye... Quote Share this post Link to post Share on other sites