Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay Ka Wadahadleen Guddoomiye Madoobe iyo Xoghayaha Hey’adda ka Hortagga Nuclear-ka?

Recommended Posts

Deeq A.   
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Xoghayaha Fulinta Hay’adda ka Hortaga Tijaabada Nuclear-ka (CTBTO) oo warbixin ka siiyay shaqada hay’adda ay dalka ka heyso.
Xoghayaha Fulinta ee Hay’adda Mudane Robert Floyd oo sharaxaad ka siiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka sida ay u socoto ku biirista hay’adda ee Soomaaliya iyo sida looga faaideysan karo, waxaana sidoo kale ay ka wadahadleen arrimo dhowr ah oo quseeya mustaqbalka soo aadan iyo loo heli karo kheyraadka Soomaaliya
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa boggaadiyey in xoghayaha hay’addan uu yimaado Muqdisho, ka dib kulankooda Vienna oo fariintiisa na uu soo gaarsiiyey dalka, isagoo xusay in laga faaideysto shaqooyinka muhiim ah ay qabato hay’adda.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this