Jacaylbaro Posted June 19, 2009 Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya oo ku aadan magacyada dadkii ku geeriyooday Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolak Hiiraan ayaa la soo bandhigay iyadoo Meydka wasiirka Amniga qarankana lagu wado in saacadaha soo aadan Muqdisho Lagu Aaso. Magacyada Masuuliyiintaani ku geeriyooday Ayaa waxaa ugu horeeyay wasiirkii Amniga Qaranka dowladda KMG Soomaaliya Cumar Xaashi Aadan,waxaana Magacyada saraakiishaasi ay kala yihiin sidan hoos ku qoran. 1. Xildhibaan Cumar Xaashi Aadaan (wasiirkii Amniga Qaranka) 2. C/kariin Faarax Laqannyo (Ambasador) 3. Max’ed Cabdi Yaroow (Gaashaanle sare) 4. Max’ed Barre Fiidow (Gaashaanle Sare) 5. Cumar Xasan Dhudi (G/sare iyo Taliyihii Ciidanka Asluubta Hiiraan.) 6. Yuusuf Xuseen Tima Cadde (Korneel.) 7. Faarax Cabdule Fiidow (Nabadoon.) 8. Xasan Dariiqow (Nabadoon.) 9. Xasan Cilmi Hure (Nabadoon.) 10. Axmed Carabay (Nabadoon) 11. Cilmi Shire (Nabadoon) 12. Max’ed Cabdi Cibaar (Abwaan) 13. Cabdi Dhuux Guure Cali (Abwaan). 14. Buule xaashi Aadan (Ganacsade) 15. C/fitaax Cali xaydar (Injineer) Sidoo kale Wareegtadaasi lagu soo bandhigay magcayada dadkii ku geeriyooday qaraxii shalay ayaa dadka kale ee ku geeriyooday waxaa ku jir 23-qofood oo isugu jira Saraakiil sare sare iyo Ilaalada Wasiirkii Amniga Qaranka dowladda KMG Soomaaliya. Dhinaca kale waxaa saacadaha soo aadan lagu wadaa in xus qaran loo sameeyo Wasiirkii Amniga Qaranka dowladda KMG Soomaaliya Cumar Xaashi oo shalay qarax ugu geeriyooday Magaalada Baladweyne iyadoo mayskiisana maanta la keenay magaalada Muqdisho. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Juje Posted June 19, 2009 14. Buule xaashi Aadan (Ganacsade) [/QB] He was the brother of the minister what devastation that will cause to reer Xashi Aadan - Illah samir iyo iman ha ka siiyo...amiin. Pictures of the wrecked hotel: Quote Share this post Link to post Share on other sites
Oz Posted June 19, 2009 Illaah samir iyo iman ha ka siiyo ameen Quote Share this post Link to post Share on other sites