Sign in to follow this  
Jacaylbaro

List of those Killed in Beletweyne - Gov Release

Recommended Posts

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya oo ku aadan magacyada dadkii ku geeriyooday Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolak Hiiraan ayaa la soo bandhigay iyadoo Meydka wasiirka Amniga qarankana lagu wado in saacadaha soo aadan Muqdisho Lagu Aaso.

 

Magacyada Masuuliyiintaani ku geeriyooday Ayaa waxaa ugu horeeyay wasiirkii Amniga Qaranka dowladda KMG Soomaaliya Cumar Xaashi Aadan,waxaana Magacyada saraakiishaasi ay kala yihiin sidan hoos ku qoran.

 

 

 

1. Xildhibaan Cumar Xaashi Aadaan (wasiirkii Amniga Qaranka)

2. C/kariin Faarax Laqannyo (Ambasador)

3. Max’ed Cabdi Yaroow (Gaashaanle sare)

4. Max’ed Barre Fiidow (Gaashaanle Sare)

5. Cumar Xasan Dhudi (G/sare iyo Taliyihii Ciidanka Asluubta Hiiraan.)

6. Yuusuf Xuseen Tima Cadde (Korneel.)

7. Faarax Cabdule Fiidow (Nabadoon.)

8. Xasan Dariiqow (Nabadoon.)

9. Xasan Cilmi Hure (Nabadoon.)

10. Axmed Carabay (Nabadoon)

11. Cilmi Shire (Nabadoon)

12. Max’ed Cabdi Cibaar (Abwaan)

13. Cabdi Dhuux Guure Cali (Abwaan).

14. Buule xaashi Aadan (Ganacsade)

15. C/fitaax Cali xaydar (Injineer)

 

 

 

Sidoo kale Wareegtadaasi lagu soo bandhigay magcayada dadkii ku geeriyooday qaraxii shalay ayaa dadka kale ee ku geeriyooday waxaa ku jir 23-qofood oo isugu jira Saraakiil sare sare iyo Ilaalada Wasiirkii Amniga Qaranka dowladda KMG Soomaaliya.

 

Dhinaca kale waxaa saacadaha soo aadan lagu wadaa in xus qaran loo sameeyo Wasiirkii Amniga Qaranka dowladda KMG Soomaaliya Cumar Xaashi oo shalay qarax ugu geeriyooday Magaalada Baladweyne iyadoo mayskiisana maanta la keenay magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

14. Buule xaashi Aadan (Ganacsade) [/QB]

He was the brother of the minister what devastation that will cause to reer Xashi Aadan - Illah samir iyo iman ha ka siiyo...amiin.

 

Pictures of the wrecked hotel:

Muqaalka_Hote.jpg

 

dad_wali_baaraya_dhimashada_dadkii_qarax

 

qeyta_sare_ee_hotelka__ee_uu_dabku_gaara

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this