Sign in to follow this  
Dal Aqoon

Interview with Galgala Traditional Leaders: Daljir Radio

Recommended Posts

Radio daljir oo wareysi la yeelatey oday dhaqameed ka mid ah kuwa Galgala oo ka warbixiyey xaalada Galgala

 

Colaadii maanta ka dhacdey deegaanada galbeedka Bari oo ay isku gacan saareen ciidamada PIS ta iyo kuwa darwiishta oo dhinac ah iyo ciidamada deegaanka oo ka amar qaata Sh. Maxamed Siciid Atam. Radio daljir ayaa waxay wareysatey dad kala duwan oo ay ka mid yihiin afayeenka ciidamada deegaanka galbeedka bari, madaxweyne ku xigeenka puntland, iyo nabadoon ka mid ah nabadoonada magaalada Galgala oo lagu magacaabo Cali Maxamed Muuse “Cali Bilig” ayaa sheegay in deegaankaasi dhibaatooyin hore loogu hayay.

 

 

HALKAAN KA DHAGAYSO: http://www.dhahar.com/article.php?articleid=9486

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gabayga GALGALA iyo Gardarrada Faroole….

 

 

Buntilaan barwaaqada gingiman guusha libinteeda

 

Shacabkay u gaar tahay haddaan lagu gardiidayne

 

Gacal iyo sokeeya leh haddaan gebi la jiidhayne

 

 

Maammulkaa ka gaabshoo xilkii waajibkii gudane

 

Caqli lagu gorfeeyiyo kolkay garab xigaal weydo

 

Guddoon nabadda jecelbaa talada loo golayn jiraye

 

 

Gufaacooyinkeer soo kiciyo belada guuxaysa

 

Nin garaadle waa garanayaa godobta hoos taalle

 

Gardarrada Faroolow ka joog geesiyaa go’iyee

 

 

Afartaasi guud arara iyo ga’ iyo wowgeed dheh

 

Gudgudiyo hillaac galalacliyo gamashi dayreed dheh

 

Afar kalena godolkii murtida gogoldhiggeedii dheh

 

 

Faroolow gar waa loo islaam guurti baa tiriye

 

Nin galda’a ayaa tahay afxumo gees walbow dira’e

 

Go’aankaad la yeedhay dadkii wada giriifiinee

 

 

Goblan tala adduuneey waqtigu gelinba waa cayne

 

Galladaha ilaahay darbaan guulle garansiine

 

Gol ka-muusannowgii la yaab gelelefkaagiiyee

 

 

Koonfur gebawarkeediyo fidnada haatan gami weydey

 

Gabbal baasi wuxuu reer u dumay gabantu yuusaysay

 

******* gumaadaay kolkii loo guddoonsadayee

 

 

Adiguna geddaasaad fidnada ugu garmaamayne

 

Nin qabiil u geylamahayoo gaasirmaa tahaye

 

Gudcur baad gudaysaa sidii gool maraadiyaahee

 

 

Gulufkeer Galgala lagu wadiyo Gobolka Haylaan ah

 

Dadku uma gudboonee adaa gaar u weerariyee

 

Argagixiso iyo maanay gelin good iyo abeese

 

 

Gungunnaanfka Ina Calishiree tiisii garan waayey

 

Ee Gobolladiisii rag kale gebagebaynaayo

 

Iyo Yuusuf Gaballaaxis baa gaabis kaa dhigaye

 

 

Garsoorkii duqaydiyo waxgarad waad ka gooddidaye

 

Cidna uma garawdide cidlaad gumuxsanaysaaye

 

Garashiyo aqoon waxaad ka tahay sida gambooleeyee

 

 

Afartaa Garoowiyo u tebi Gaalkacyiyo Eylba

 

Goobyaal halkii lagu shiraba ceebta kugu gaaxdey

 

******teenku gaar haw maqleen kugu gar weeyaanee

 

 

********** gefkaagii ka dirir mana garaystaan dheh

 

Geyigooda lama dhaafsan karo gini nijaaseed dheh

 

Guryahaan ka qaxa idhi ayay wada guhaadmeen dheh

 

 

Gabay oo xilkii lay idmaday waa gelgelintaa dheh

 

Laascaanood garkay uma huree waan gabbaatiyay dheh

 

Reer Bari Galgale lagu beddelo baan guddoonsay dheh

 

 

Garabyaan u qaybshoo *****gii waysku go’aayaa dheh

 

Goshu way bannaantoo wadnuhu way gig leeyahay dheh

 

Gaalkacayo gacan haadintii garey Saleebaan dheh

 

 

Afartaa makala gawdhinine gobo’ kalaan baanay

 

 

Maalintay gabaahiirantooy gubato Boosaaso

 

Sidii gabadintii Xamar kolkii laysku soo giirto

 

Garoowaa xigaysee mardhow sow ka gudi maysid?

 

W.T. Maxamuud Axmed Cabdalle

 

 

Email: mabdalle@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this