Dal Aqoon Posted August 9, 2010 Radio daljir oo wareysi la yeelatey oday dhaqameed ka mid ah kuwa Galgala oo ka warbixiyey xaalada Galgala Colaadii maanta ka dhacdey deegaanada galbeedka Bari oo ay isku gacan saareen ciidamada PIS ta iyo kuwa darwiishta oo dhinac ah iyo ciidamada deegaanka oo ka amar qaata Sh. Maxamed Siciid Atam. Radio daljir ayaa waxay wareysatey dad kala duwan oo ay ka mid yihiin afayeenka ciidamada deegaanka galbeedka bari, madaxweyne ku xigeenka puntland, iyo nabadoon ka mid ah nabadoonada magaalada Galgala oo lagu magacaabo Cali Maxamed Muuse “Cali Bilig” ayaa sheegay in deegaankaasi dhibaatooyin hore loogu hayay. HALKAAN KA DHAGAYSO: http://www.dhahar.com/article.php?articleid=9486 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dal Aqoon Posted August 9, 2010 Gabayga GALGALA iyo Gardarrada Faroole…. Buntilaan barwaaqada gingiman guusha libinteeda Shacabkay u gaar tahay haddaan lagu gardiidayne Gacal iyo sokeeya leh haddaan gebi la jiidhayne Maammulkaa ka gaabshoo xilkii waajibkii gudane Caqli lagu gorfeeyiyo kolkay garab xigaal weydo Guddoon nabadda jecelbaa talada loo golayn jiraye Gufaacooyinkeer soo kiciyo belada guuxaysa Nin garaadle waa garanayaa godobta hoos taalle Gardarrada Faroolow ka joog geesiyaa go’iyee Afartaasi guud arara iyo ga’ iyo wowgeed dheh Gudgudiyo hillaac galalacliyo gamashi dayreed dheh Afar kalena godolkii murtida gogoldhiggeedii dheh Faroolow gar waa loo islaam guurti baa tiriye Nin galda’a ayaa tahay afxumo gees walbow dira’e Go’aankaad la yeedhay dadkii wada giriifiinee Goblan tala adduuneey waqtigu gelinba waa cayne Galladaha ilaahay darbaan guulle garansiine Gol ka-muusannowgii la yaab gelelefkaagiiyee Koonfur gebawarkeediyo fidnada haatan gami weydey Gabbal baasi wuxuu reer u dumay gabantu yuusaysay ******* gumaadaay kolkii loo guddoonsadayee Adiguna geddaasaad fidnada ugu garmaamayne Nin qabiil u geylamahayoo gaasirmaa tahaye Gudcur baad gudaysaa sidii gool maraadiyaahee Gulufkeer Galgala lagu wadiyo Gobolka Haylaan ah Dadku uma gudboonee adaa gaar u weerariyee Argagixiso iyo maanay gelin good iyo abeese Gungunnaanfka Ina Calishiree tiisii garan waayey Ee Gobolladiisii rag kale gebagebaynaayo Iyo Yuusuf Gaballaaxis baa gaabis kaa dhigaye Garsoorkii duqaydiyo waxgarad waad ka gooddidaye Cidna uma garawdide cidlaad gumuxsanaysaaye Garashiyo aqoon waxaad ka tahay sida gambooleeyee Afartaa Garoowiyo u tebi Gaalkacyiyo Eylba Goobyaal halkii lagu shiraba ceebta kugu gaaxdey ******teenku gaar haw maqleen kugu gar weeyaanee ********** gefkaagii ka dirir mana garaystaan dheh Geyigooda lama dhaafsan karo gini nijaaseed dheh Guryahaan ka qaxa idhi ayay wada guhaadmeen dheh Gabay oo xilkii lay idmaday waa gelgelintaa dheh Laascaanood garkay uma huree waan gabbaatiyay dheh Reer Bari Galgale lagu beddelo baan guddoonsay dheh Garabyaan u qaybshoo *****gii waysku go’aayaa dheh Goshu way bannaantoo wadnuhu way gig leeyahay dheh Gaalkacayo gacan haadintii garey Saleebaan dheh Afartaa makala gawdhinine gobo’ kalaan baanay Maalintay gabaahiirantooy gubato Boosaaso Sidii gabadintii Xamar kolkii laysku soo giirto Garoowaa xigaysee mardhow sow ka gudi maysid? W.T. Maxamuud Axmed Cabdalle Email: mabdalle@gmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites