Sign in to follow this  
Liqaye

Orodka C/llaahi Yuusuf, Nacamta Geeddi iyo Faataxda Shariifka ka filo Shar iyo Shilaa

Recommended Posts

Liqaye   

2 sano oo dood iyo caro dhex maraysay Ergada soomaalida ee shirkii dib u heshiisinta ka socday Kenya waxaa ugu dambeyntii lagu guuleystay in cagaha loo taago Baarlamaanka soomaaliyeed, kaas oo doortay Madaxweyne, iyadoo hoggaamiyihii la doortay isna soo magacabay Ra’iisul Wasaare 52 jir oo ka soo jeedo beel hubeysan laakiin isaga lagu sheegay inuu yahay Siyaasi rayid ah.

Hoggaamiyeyaashii beeleed ee hubeysanaa oo uu ka mid ahaa Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxay isku bedeleen oo ay gashteen Shaar Qaran, laakiin qolofka ayaa waxay ka yihiin Qaran hoosna Qabiil, waxaana taasi daliil u ah marka ay hadlayaan waxay leeyihiin :haddaan nahay hoggaamiyeyasha ****** , Hadaan nahay kuwa ******* , Digil iyo Mirifle ama Beesha Shanaad, waxaana adag in mar kale soomaliya oo Qaran ah la arko lagana dhex arko Beesha Caalamka .

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxaa uu u muuqda inuu weli iska bixnin shaarka Beeshiisa, marka aad aragto ama aad dhageysato khudbadaha uu jeedinayo, sidoo kale dhaqanka Madaxweynaha ayaa waxaa uu noqday mid aad u liito siyaasad ahaan, wuxuuna ka soo bixi waayay ballantii uu galay markii uu ka hadlayay xafladdii dhaartiisa 14 October ee sanadkii hore, taas oo ahayd inuu isu bedelay hoggaamiye Nabadeed oo dagaalka joojin doona, taas mar kale ayaa soo muuqatay, bal dib u xusuuso hadalkii Madaxweynaha ka jeediyay Magaalada Jowhar dhamaadkii bishii hore.

 

Cali Maxamed Geeddi waxaa weeye hoggaamiye rayid ah oo ka soo jeedo Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, laakiin beeshiisa ayaa imanka waxay awood ku leedahay Magaalada Muqdisho , tii oo saas tahay hadana Geeddi waxaa uu noqday Nin jeebka ugu jiro Madaxweyne C/llaahi Yuusuf wax kastana waxaa uu ku soo gaabiyay (Nacam) maxaa yeelay Nin weyn wedkiis waa yaqaane iskuma shideyn inuu dhinac maro hadalada Madaxweynaha.

 

Shariif Xasan Sheekh Aadan markii horeba waxaa uu ku yimid kursiga uu ku fadhiyo dagaal lagula jiro Siyaasadda Itoobiya, waxaa doortay intii ka soo horjeeday Siyaasadda Itoobiya, Cayab Itoobiya loo qabo ayaa loo doortay, laakiin taas ma soconin waayo Madaxweynaha iyo Geeddi waxay ka mid yihiin Ilmaha Addis ababa.

 

Iyadoo ay saas tahay ayuu haddana shariifku waxaa uu ka mid noqday Gacanta 3 aad ee Maxamed Qanyare, taas ayaa lagu xantaa, laakiin ma aha mid la beenin karo, meel walba waa ka wadaagan Shariifka iyo Maxamed Qanyare, sidaas waxaa ku doodaya qaar ka mid ah dadweynaha soomaaliyed .

 

Cali Geeddi oo u muuqdan in shaqdiisa marti ka yahay :D , C/llaahi oo is mooday in isaga mooye cid kale jirin iyo Shariifka oo isna is leh adiga ayaa ah goobta biya ku soo shiban doonan ee yaa lagaa helin cabsi waxay keeni doonan Qatar xun oo taariikhda gasha.

 

Hadaba kala duwanaasha u dhaxeeya 3 nin ee Dowladda ugu sareysa, iyo dhawaaqa ka soo yeeraya qabqabliyaasha dagaalka soomaaliya,ayaa waxaa la aaminsan yahay in mar kale soomaaliya dhab shidan oo laga soo shiday dal deris la aha dhexda ka gesho.

 

Waxay tahay Wadada kaliya ee xaalada lagu qaboon jin karo iyo dariiqa kaliya ee furan si wax looga qabto kala jab iyo burbur sababa inuu hal bacaad lagu lisay noqdo shirkii dib u heshiisiinta Soomaalida ee dalka Kenya loo joogay 2-da sano iyo ka badan waa in Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ay noqdaan kuwa wax badan kala eega, iskna ilaaliya inay danaha shisheeye fuliyaan, waana inay kasbadaan Kalsoonida Shacabka.

 

waxaa soo diyariyay

 

Nuradiin macallin mukhtar(Diinow)

 

nuradin@buuloburde.com ama nuradin007@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this