Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo beenisay war lagu faafiyay baraha bulshada

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16769686404787009.jpg?resize=715%

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse ayaa beeniyay war saacadihii la soo dhaafay lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegayay in gaari ay leedahay wasaaradda arrimaha dibada uu u gacan galay Al-shabaab.

Wasiir Huruuse ayaa qoraal uu ku baahiyay gacankiisa Facebook ku sheegay in aysan jirin gaadiid uu leeyahay ama wasaaradda arimaha dibadda Soomaaliya leedahay oo ka maqan gacantiisa ama u galay Al-shabaab, wuxuuna warkaas ku tilmaamay mid lagu jaahwareerinayo ummadda Soomaaliyeed.

“Waxaan ummadda Soomaaliyeed in aanu jirin gaadiid aan leeyahay ama wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya leedahay oo ka maqan gacantayda ama u galay Al-shabaab. Warka arrintaas la xiriira ee baraha bulshada lagu faafiyay waa been abuur lagu jaahwareerinayo ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri wasiir Huruuse.

20230221_114051.jpg?resize=720%2C430&ssl

PUNTLAND POST

The post Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo beenisay war lagu faafiyay baraha bulshada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this