Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal culus oo saaka ka socda magaalada Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Somaliland ayaa saaka aroortii weerar xooggan ku qaaday magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Dagaal culus oo u dhexeeya Ciidamada Somaliland iyo xoogagga Ciidamada degaanka ee SSC ayaa sida la xaqiijinayo ka dhacay duleedka Laascaanood.

Warar ayaa sheegaya in Ciidamada Somaliland laga riixay jihooyinkii ay weerarka ka soo qaadeen saaka islamarkaana laga durkiyay magaalada.

Waxaase dagaalka barbar socda duqayma aan kala sooc lahayn oo Ciidamada Somaliland ku garaacayaan xaafadaha kala duwan ee Laascaanood.

Hubka waaweyn ayaa dhinaca kale laga maqlaya dhinaca jiidda Tukaraq waxaana la sheegay in ay madaafiic is weydaarsanayaan ciidamada labada dhinac ee isku hor fadhiya degaankaas.

PUNTLAND POST

The post Dagaal culus oo saaka ka socda magaalada Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this