Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Faransiiska oo dalbaday in taageero milatari loo raadinayo Ukraine

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa sheegay inuu rabo in Ruushka looga adkaado dagaalka Ukraine, balse aanu dooneyn in la gaarsiiyo heer u uku burburo waddankaas dullaanka qaaday.

Madaxweyne Macron oo la hadlayay warbaahinta Faransiiska, ayaa ku booriyay dalalka reer galbeedka inay kordhiyaan taageerada milateri ee Kyiv, wuxuuna sheegay inuu wado qorshe diyaargaroow dagaal.

“Waxaan rabaa in Ruushka looga adkaado dagaalkan, oo Ukraine ay difaacato dhulkeeda,” ayuu yiri Madaxweynaha Faransiiska.

Balse waxa uu diidday fekerka ah in dagaalka la gaarsiiyo ilaa gudaha Ruushka, si loo maquuniyo xukuumadda Moscow.

Hadalka Macron ayaa yimid iyadoo madaxda caalamka ay isugu tageen shirkii amniga ee Munich, kaasoo laga soo saaray ballan-qaadyo lagu dardargelinayo hubka la loo dirayo Kyiv, cunaqabatayn adagna lagu soo rogo Moscow.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Faransiiska oo dalbaday in taageero milatari loo raadinayo Ukraine appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this