Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Siciid Deni oo ku fashilantay bixin xuquuqda shaqaalaha iyo ciidamada

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1676872084952.jpg?resize=720%2C48

Xukuumadda Madaxweyne Siciid Deni ayaa sida la xaqiijinayo gebi ahaanba ku fashilantay bixin mushaarka iyo xuquuqda shaqaalaha iyo ciidamada dowladda.

Xogo lagu kalsoon yahay ayaa caddaynaya in dhaqaalihii khasnadda dowladda loo isticmaalay barnaamijka diiwaan-gelinta hubaysan ee doorashooyinka lagu muransan yahay.

Shaqaalaha iyo ciidamada qaarkood oo nala soo xiriiray ayaa xaqiijiyay in aysan mudda dheer qaadan wax mushahar iyo xuquuq ah islamarkaana qofkii cabasho gudbiya shaqada laga cayrinayo.

Waxaa xusid mudan in Madaxweyne Deni uu xukuumaddii ka horraysay ee Cabdiweli Gaas ku dhaliili jiray in aysan si joogta ah u bixin xuquuqda shaqaalaha iyo ciidamada.

PUNTLAND POST

The post Xukuumadda Siciid Deni oo ku fashilantay bixin xuquuqda shaqaalaha iyo ciidamada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this