Sign in to follow this  
Deeq A.

Baaqyadii Dagaalka Laascaanood Oo Aan Dhaqan Gelin Iyadoo Dagaalku Uu Galay Maalintii 15aad

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Laascaanood)-Maalintii 15aad oo xidhiidh ah waxaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ka socda dagaal u dhaxeeya Ciidamada qaranka Somaliland iyo maleeshiyaad hubaysan oo nabad-diid ah.

Dagaalka ayaa sababay dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur soo gaadhay qaar kamid ah xaafadaha shacabka iyo goobo kale oo Magaalada Laascaanood ah.

Baaqyo kala duwan oo la xidhiidha joojinta dagaalka kuwaas oo ka kala yimid madaxda dhaqanka, Culimada, Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamka ayaa loo diray dhinacyada ku dagaalamaya Magaalada Laascaanod, iyada oo ayna weli taasi dhaqan gelin.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this