Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland oo kulan la qaatay safiirka dalka Thailand u fadhiya Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha Guud ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland ayaa kulan la qaatay safiirka dalka Thailand u fadhiya dalka Kenya Sasirit Tantukrat iyo wafti ay hogaaminayso oo Somaliland u yimi sidii uga caawin lahaayeen Ciidanaka badda Somaliland samato-bixinta markab iyo shaqaale ay dawladda Tailand leedahay oo ku xanniban biyaha ay wadagaan Somaliland iyo Jabuuti, iyo sidii ay Somaliland iyo Thailand uga wada-shaqyan lahayeen arrimaha badaha iyo shaqaalaha dalkaasi ee ku sugan biyaha Somaliland.

Taliyaha guud ee Ciidanka badda Admiral Axmed Hurre Haariye ayaa soo dhaweeyey waftigan, isla markaana sheegay inay Somaliland diyaar u tahay wada-shaqaynta iyo iskaashiga wadamada dunida ee dhinaca amaanka iyo tageerada badaha gaar ahaana shaqaalaha iyo maraakiibta waddankaasi uu ku sugan biyaha gacanka Cadmeed.

FB_IMG_1676888220410.jpg FB_IMG_1676888217973.jpg FB_IMG_1676888214974.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this