Deeq A. Posted February 19, 2023 Ugu yaraan shan qof ayaa dhintay, 15 kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo, kadib duqeymo ay diyaaradaha Israa’iil ka geysteen caasimadda Suuriya ee Dimishiq, , sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda Suuriya . Weerarradaan oo dhacay saaka subaxnimadii ayaa lala beegsaday dhismo ku yaalla xaafadda Kafr Sousa ee bartamaha magaalada Dimishiq,gaar ahaan dhismooyin ku dhow xarumo Iran ay ku leedahay halkasi, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters, iyadoo soo xiganaysa goobjoogayaal. Warbaahinta ayaa ku warantay in shan qof la dilay, oo uu ku jiro askari, waxayna intaa raaciday in tiro badan oo dhismooyin ah oo ay lahaayeen dad rayid ah loo geystay burbur. Muuqaalo ay faafisay warbaahinta dowladda ayaa muujinayay in dhismo ka kooban 10 dabaq uu si xun ugu burburay weerarka, kaasoo burburiyay dhismihii dabaqyada hoose. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo duqayma ka fulisay caasimadda dalka Suuriya appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites